Howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen ciidamaada Booliska Soomaaliyeed xaafado katirsan dagmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir waxa ay ku soo qabqabteen 15 qof oo ku howlanaa ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.
Shacabka dagan halka ay ku sugnaayeen raggan ayaa sahlay in gacanta lagu soo dhigo raggan ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya, mana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan ay ku guuleysteen in hawlgalkaas uu u dhaco sidii loogu talo galay, islamarkaana ay la wareegeen goobtii lagu iibin jiray waxybaaha maanka dooriya.