Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka leh magaalada Muqdisho waxaana kulanka looga hadli doonaa aqrinta labaad ee hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM).
Kulanka waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.
Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) ayaa soo maray akhrinta koowaad,waxaana Maanta la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay marsiiyaan akhrinta labaad.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa todobaadkii waxa ay kulmaan Saddex jeer oo kala ah Sabti, Asniin iyo Arbaco marka laga reebo kulamada deg dega ah,waxaana haatan horyaalka Ajandayaal dhowr ah.