Laacibka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay kulanka caawa ay is farasaarayaan Barcelona iyo Real Madrid.
Maqnaashaha Ronaldo ee kulankaan ayaa noqday hadal hayn wayn kadib markii uu ka tagay kooxdiisa xaggaagii tagay.
Wuxuu sheegay inuu ixtiraam badan u haayo Barcelona, laakiin wuxuu cadeeyay in Real ay ku jirto qalbigiisa oo uu doonayo inay guulaysato.
Ronaldo oo waraysi siiyay wargays ka soo baxa dalkiisa Portugal ayaa yiri:
“Ixtiraam badan ayaan u haayaa Barcelona, laakiin Real Madrid ayaa ku jirta qalbigayga, sidaas darteed waxaan rajaynayaa in Madrid ay faraxdo kadib kulanka maanta”.