Diyaarada oo ay leedahay shirkada Lion Air ayaa soo dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay madaarka ku yaal magaalada caasimada ah ee Jakarta.
Diyaaradan oo nooceeda yahay Boeing-737 ayaa kusii jeeday jasiirada Sumatra ayaa la sheegay inay cilad ku timid 13 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay, illaa iyo hadana lama yaqaan waxa sababay shilkan.
Burburka diyaaradan ayaa laga helay bada Java ee waqooyiga Jakarta iyadoo aan weli la heyn meydka rakaabkii diyaaradaasi saarnaa, waxaana weli socda gurmadka iyo baadi-goobka haraadiga diyaaradaasi burburtay.