• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Sunday, February 28, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Aqalka Sare oo ansixiyay Hindiso Sharciyeed (Akhriso)

November 1, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay Waa kalfadhigii 4aad kulankiisa 5aad, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyaddoo Golaha Aqalka sare uu horyaalay Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha iyo samaynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka, Kaabayaasha dhaqaale iyo Gaadiidka ee Golaha aqalka sare Sen. Ilyas Cali Xasan ayaa ka hadlay heerarka hindise sharciyeedkaan uu soo maray iyo wax ka badalka lagu sameeyay.

Senatarada qaar ayaa fikirkooda ku aadan dhinaca Qorista iyo sharciga waafajintiisa ka dhiibtay Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha iyo samaynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Mudane Cismaan libaax Ibraahin ayaa senatarada u sheegay in hindise sharciyeedka ay ka muuqato in shaqo wanaagsan laga qabtay waajibkoodana ay ka gudateen, wuxuuna Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan, maadaama Wasaaradda ay howlo uga xayiran yihiin.

Ugu dambeyn guddoonka Golaha Aqalka sare BFS ayaa ku dhawaaqay in hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha iyo sameynta Hay’adda maareynta Biyaha Qaranka Cod la galinayo.

Cod gacan taag ah ayaa loo qaaday, 29 Mudane ayaa ogolaatay ma jirin wax diiday iyo cid ka aamustay sida natiijada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha iyo samaynta Hay’adda maareynta biyaha Qaranka ayaa horay waxaa u ansixiyay Golaha shacabka BFS, waxaa loo soo gudbiyay Golaha aqalka sare oo ansixiyay maanta..

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Daljirka Dahsoon

Wararkii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho

February 25, 2021
Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

February 19, 2021
Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

February 19, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In