Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka dalka Kenya lagana soo doortay gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada looga baahan yahay inay dalkooda ka saaraan jahawareerka siyaasadeed ee hadda ka jira.
“Masuuliyiinta Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay u midooban sidii dalkooda ay uga saari lahaayeen jahawareerka iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee muddaba taagnaa,waa u damqaneynaa walaaleheena Soomaaliya, Waxaa talo iga ah in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiiyaan, una daneeyan waqti walbo duruufaha shacabka iyo dalka oo ay iyagu dhexdooda aanay isku soo noqon” ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre Ducaale.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay in nabad iyo xasilooni ka dhacda Soomaaliya ay dan ugu jirto geeska Afrika islamarkana ay fursad u siin doonto in shacabka Soomaaliyeed dib u soo ceshadaan sharaftii iyo sumcaddii uu Afrika ku dhex lahaa.
“Waxaa loo baahan yahay inay isku samraan madaxda Soomaaliya, taasna waxaan leennahay weliba odayga ugu sarreeya waa madaxweynaha ee, isaga ayaa la rabaa in uu u dulqaato ragga madaxda ka ah dowladd goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo la hadlay BBC-da.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xukuumadda Kenya ay ka go’an tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya si xal loogu helo mushkilaha ka aloosan Soomaaliya.
Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaa xiligan ka dhax taagan khilaaf siyaasadeed iyo is maandhaaf oo ilaa hadda aan weli xal loo helin.