Maamulka gobalka Banaadir ayaa isbadal ku sameeyay Gudoomiyihii Degmada Howl-Wadaag Mudane Cabdikariin Cali Kaar oo xilka laga qaaday waxaana loo magacaabay degmadaasi Mahad Cabdi Caraalle.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow ayaa sidoo kale wada qorshe uu xilka uga qaadayo gudoomiye yaasha dagmooyinka gobalka Banaadir sida ay sheegeen warar lagu kalsoonaan karo.
Dhanka kale taliyaha Booliska degmada Kaaraan ayaa sidoo kale xilkii laga qaaday isla markaasne Taliye kale loo magacaabay degmadaasi.
Taliye Cabdi Shiikh Ciise oo kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xilka taliyaha booliska dagmada Karaan loo magacaabay, waxaana laga qaaday taliye Canjeex oo hori u ahaa taliyaha saldhiga Booliska Degmada Kaaraan .
Horumar dhanka amniga ah ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho waxaana isbadalkaan lagu sameeyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Kaaraan uu imaanayaa iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu wado darder cusub oo uu ku doonayo in uu ku xasiliyo amaanka degmooyinka Gobolka uu ka koobanyahay.