Turkiga iyo Maraykanka ayaa waxa uu midba midka kale ku dhawaaqay si isku mar ah cunoqabatayntii labada dhinac oo ay isku soo rogeen bishii August,taasoo sababtay in lacagta Liraah ee Turkiga ay kor u kacdo marka la barbardhigo dollar ka.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay qaaday cunaqabatayntii ay kusoo rogtay wasiiradda arrimaha gudaha iyo Caddaaladda ee dalka Turkey.
Taa badilkeeda afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkey ayaa ku dhawaaqay in Turkey ay qaadday cunaqabateyntii ay kusoo rogtay wasiirada caddaaladda ee Mareykanka Jeff Sessions iyo Nabadsugida Gudaha Christine Nielsen iyada oo la is-waafajinayo.
Waxa afhayeenkan uu tilmaamay in Turkey ay kusoo rogtay cunaqabateynta labadan wasiiro ee Maraykanka ka ah iyada oo kaga jawaabaysa mid lamid ah tallbaadii Mareykanka ee qaaday 1-dii August ee la soo dhaafay.
Waxa isla markii la qaaday cunaqabateyntan la sheegay kor u kacday lacagta Lira ah ee Turkey heerkii ugu sareeyay ku dhawaad 3 bilood marka la barbar dhigo doller-ka, waxaana ay ka soo reysay 1.7% iyado oo gaartay 5.4200 lira marka la barbardhigo doller-ka.