Gool dhalinta kabta dahabka ah ee qaarada Yurub ayaa u muuqata mid si aad u xoogan loogu tartamayo iyadoo ay haatanba jiraan xiddigo ka socda horyaalo badan oo qaaradaas ah isla markaana soo bandhigaya heer gool dhalineed oo cajiib ah.
Haddii aynu fiiro gaar ah siino horyaalada ugu waaaweyn qaarada Yurb isla markaana dhibcaha ugu badan hela, Da’yarka kooxda Paris Sani-Germain ee Kylian Mbappé ayaa hoggaanka u haya liiskan walow si guud ahaaneed uu figta ugu sarreysa joogo Nomme Kalju oo ka dheela horyaalka Estonia.
Kylian Mbappe ayaa qaabka duufaanta u qabsaday Ligue 1 waxaana uu kulamada ay ilaa haatan soo ciyaareen ka dhaliyay 11 gool oo u dhiganta 22 dhibcood waana xiddiga ugu sarreeya shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.
Walow ay horyaaladu kala qiimo badan yihiin marka loo eego dhinaca qiimaha uu halkii gool ku fadhiyo waxa liiska 30 dhibcood ku hoggaaminaya Nomme Kalju oo 30 gool ka dhaliyay horyaalka Estonia.
Xiddiga Emiliano Salaoo ka dheela isla horyaalka France gaar ahaan kooxda Nantes ayaa sidoo kale gaadhay 10 gool kaddib laba gool oo uu ka dhaliyay kooxda Guingamp waxaana uu sidaas ku leeyahay 20 dhibcood.
Liiskan ayaa ah mid ay ka dhex muuqdaan xiddigo aan magac ahaan si fiican loo aqoonsan karin waxaana kamid ah Paulinho Guerreiro, Patrick Hoban iyo Zakaria Beglarishvili.
Liiskan ayaa ah mid ay soo raaca xiddiga Neymar JR oo leh 18 dhibcood kaddib 9 gool oo Ligue 1 ah, Si lamid ah weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez kaas oo leh 9 gool iyo 18 dhibcood.
Halkan kaga boggo liiska oo dhammaystiran:
- Liliu (Nomme Kalju, Estonia) – 30 goals, 30 points.
- Paulinho Guerreiro (Häcken, Sweden) – 20 goals, 30 points.
- Patrick Hoban (Dundalk, Ireland) – 29 goals, 29 points.
- Zakaria Beglarishvili (Flora Tallin, Estonia) – 27 goals, 27 points.
- Linus Hallenius (Sundsvall, Sweden) – 18 goals, 27 points.
- Roman Debelko (Levadia, Estonia) – 26 goals, 26 points.
- Savitskiv (Dynamo Brest, Belarus) – 15 goles, 22,5 puntos.
- Mbappé (PSG, France) – 11 goals, 22 points.
- Klauss (HJK Helsinki, Finland) – 21 goals, 21 points.
- Tristan Koskor (Jalgpallikool Tammeka, Estonia) – 20 goals, 20 points.
Emiliano Sala (Nantes, Francia) – 10 goles, 20 puntos.
- Neymar (PSG, France) – 9 goals, 18 points.
Luis Suárez (Barcelona, Spain) – 9 goals, 18 points.
- Cristhian Stuani (Girona, Spain) – 8 goals, 16 points.
Iago Aspas (Celta, Spain) – 8 goals, 16 points.