Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir kusaabsan sidii loosii xoojin lahaa qoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, xubno ka socday labada gole ee baarlamaanka dalka iyo ururada u dooda xuquuqda haweenka.
Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa shirka soo agaasimay waxaana shirka furay gudoomiyaha golaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay arrimo dhowr ah.
Mudane Xaashi ayaa tilmaamay in in dumarka soomaaliyeed ay door wayn oo lama ilaawaan ah kuleeyihiin bulshada dhexdeeda, loona baahanyahay in lasii xoojiyo qoondada haweenka ay leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Qaar kamid ah hawenka ayaa iyana shirkan ka hadlay shirka waxaana ay sheegeen muhiimada ay leedahay in haweenku qoondo fiican laga siiyo fursadaha jira ee xil qabashada.
Ifrah Ahmed oo u ololeysa xuquuqda dumarka ayaa sidoo kale kulanka ka qeyb gashay waxaana ay bogaadisay sida golaha Aqalka Sare ay kaga go’antahay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan qoondadada ay ku leeyihiin siyaasadda.
Source: Bandhiga Media 2018