Shir ku saabsan arrimaha amaanka ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo oo hadda ah xarunta maamul Jubbaland waxaana yeelanaya wasiirada amniga maamul goboleedyada dalka.
Taliyeyaasha Ciidamada maamulada Puntland,Galmudug,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shirka ka qeyb galaya waxaana diiradda lagu saari doonaa dhisidda ciidan gaar ah oo ay yeelan doonaan maamul goboleedyadda kuwaa oo ka kooban afar kun oo askar.
Qaar kamid ah wasiirada amniga ee maamulada ayaa gaaray magaalada Kismaayo waxaana ay sameysan doonaan Gole hoos yimada kuwo hadda ay leeyihiin maamul goboleedyadda.
Ujeedka ciidanka loo dhisayo ayaa lagu sheegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen xoogaga Al shabaab.