Mudanayaasha xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Arbaco ah kulan waxa ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.
Guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir gudoomin doona kulanka, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.
Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.