Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.
Kulanka ayaa looga hadlay kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee Dowladda Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha.
Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ku xigeenada guddoomiyaha, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.