• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Sunday, March 7, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Opinion

Maxey Soomaalida uga dhigan tahay guusha ay gaartay Ilhaan Cumar?

November 7, 2018
in Opinion
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo ka tirsan dadka qaxootinimada ku ah Mareykanka ee ka mid noqda Koongareeska Mareykanka ayaa ah guul u soo hoyatay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, inta aanan gudagalin dulucda qormadaan, marka hore Ilhaan Cumar waa qof ceyn kee ah?

Ilhaan Cumar waxay ku dhalatay Magaalada Muqdisho 4-tii Bishii oktaaber sanadkii 1981-kii, waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, muddo afar sano ah ay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, waxayna Maraykanka taktay iyadoo 12 sano jir ah, waxanay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.Ilhaan Cumar oo 37 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee Waddanka Mareykanka ayaa ku guulaysatay isreebka xisbigaasi ee tartanka aqalka Wakiilada gobolka Minnesota ee degmada 6B, waxaa jagadaasi kula tartamay laba xubnood oo kale oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Dimoqraadiga.

Intaa kadib Ilhaan ayaa noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku guulaysata isreebreebka xisbi ka mid ah xisbiyada waaweyn ee Mareykanka, waxayna maalin hore la tartantay qof ka socday xisbiga Jamhuuriga, waa ayna ka guuleysatay waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ah Soomaali ah ee ka mid noqota Aqalka hoose Wakiilada Maraykanka oo haatan aqlabiyad ahaan uu ku guuleysatay xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo Ololihii loogu jiray in Ilhan Cumar,mar un ay ka mid noqoto golaha Aqalka hoose ee Mareykanka ayaa soo afjarmay, waxaana guul taariikhi ah laga gaaray in Ilhaan ay hesho xubin-nimada congresska Mareykanka kadib doorashadii ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan oo iyagana ku guuleystay in ay ka mid noqdaan Aqalka hoose ee baarlamanaka gobolka Minnesota.

Waxaa xusid mudan in loolan adag uu ka dhexeeya labada xisbig ee Mareykanka, waxaana Guud ahaan doorashada ay u muuqataa mid ay ku kala qeybsadeen ololaha,Xisbiga Dimoqraadigu wuxuu qaatay Aqalka Hoose, halka xisbiga kale ee Jamhuuriguna uu adkeystay Aqalka Senate-ka ee Dalkaasi Mareykanka.

Bulshooyinka muslimiinta iyo guud ahaan Soomaalida ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada lagu doortay Ilhaan Cumar, iyadoo la hadal hayo in ay ka dhigan tahay mid wax badan ka bedeli karta siyaasadda Madaxweyne Trump ee ku wajahan dadka soo galootiga.

Haddaba Guusha ay gaartay Gabadhaasi Soomaaliyeed Ilhaan Cumar ayaa waxaa hambalyo iyo taageero u diray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow, wuxuuna ka yiri:- “waxaan u hambalyeynayaa Ilhan Omar oo noqotay gabadhii ugu horreysey oo Muslimad ah oo ku guuleysatay Congress ka Mareykanka inay xubin ka noqoto. Guushan waa guul taariikhi ah oo na tuseysa dadaalka gabdhaha Soomaaliyeed”.

Guusha Ilhaan ayaa waxaa dhihi karaa waa Gabar Muslim ah, Afrikaan ah, Soomaalina ah, islmarkaana soo galooti ku ah Dalka Maraykanka ee ku guuleysata ka mid ahaanshaha Xubnaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxaa kaloo lagu tilmaami karaa inay tahay guul u soo hoyatay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo ka tirsan dadka qaxootinimada ku tahay Mareykanka ee ka mid noqda Koongareeska Mareykanka, ayaan waxaan leenahay ilhaan Cumar Hambalyo ayay kuu soo dirayaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kata oo ay dunida ka joogaan, dadaalkaagana halkaasi ka sii wad, una adeeg dadkaagga Soomaaliyeed, maadama ay guushaadu uga dhigan tahay mid u horseeda horumar dhinacyo badan leh.

 

W.D:- Cabdullahi Ruush

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

March 6, 2021
Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

March 6, 2021
Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidanka Puntland iyo Al shabaab

Faah-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidanka Puntland iyo Al shabaab

March 6, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In