Madaxweynihii maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay islamarkaana uusan u tartami doonin doorashada 17-ka November ee maamulka Koofur Galbeed.
Wariyeyaasha ayaa soo warinaya in Shariifka uu sheegay inuu u tanaasualay musharaxiinta kale ee dooneysa iney isbadal ku sameeyaan maamulka Koofur Galbeed.
Dhawaan ayey aheyd markii ay iscasileen xubnihii iyo gudoomiyihii guddiga doorashada maamulka Koofur Galbeed, balse wali waxaa la qabaa rajo ah in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay