Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen dad sameeya waxyaabaha maanka dooriya.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Maandooriye iyo dadkii sameynayay,kuwaas oo lagu soo bandhigay Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho.
Maandooriyaha la soo qabtay waxaa kamid ah Khamri sijileysan oo dhalooyin waaweyn ku jira Kontomeeye Jirikaan oo calaq la farsameeyay ah uu ku jiro,digsiyadii lagu sameeynayay iyo labo Dhalinyaro ah oo ku howlanaa sameyntooda.
Bashiir Axmed Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegya in tan iyo burburki wixii kad ambeeyay ay bilaabatay in dalka la soo geliyo waxyaab ay ka mid yihiin Khamriga.
Waxaana uu taliyaha balan qaaday Isaga in marwalb al sameyn doono howlgal joogto ah oo lagu raadinayo waxyaabaha Maanka dooriya iyo dadka ka Ganacsanaya.