Donald Trump Mdaxweynaha dalka maraykanka ayaa booqasho ku tagay gobolka California oo dhawaan uu dab wayni ka kacay kaasi oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Trump ayaa ayaa halkaasi warbaahinta kula hadlay isagoo sheegay in ay ku barakeceen kumanaan shacab ah, Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto.
Trump oo khudbad ka jeedinayay magaalada Paradise oo dabku uu kacay ayaa maamulka gobolka ku amaanay shaqada ay qabteen, sidoo aklena waxa uu ku booriyay in ay baadigoob ku sameeyaan dadka la la’ayahay.