Xili maanta Madaxwynaha Puntland uu magacaabay guddi kooban oo loogu talagalay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada ayaa hadane Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa Goordhow Magacaabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay ka soo horjeesteen Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland.
Guddigaan uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka kooban 8 Xubnood,waxana taani ay keeneysaa khilaaf Cusub oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.