• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, February 27, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Labo Askar

January 24, 2019
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maxkamadda Derejada koobaad ayaa Maanta Labo eedeysane oo horay ugu tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ridday xukunno kala duwan, markii Jid-gooyo ay iyagu dhigteen ku dileen Laba Nin oo uu midkood ahaa wadaha Gaariga.

Eedeysanayaasha kala ah, Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigalle ,ayaa loo heystaa in ay toogteen, Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed , oo si wada jir ah ugu safrayay Wadddada Afgooye, 25-kii Septembar, Sanaddii 2018.

Marqaatiyaasha ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu dilka geystay Ex-Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle, halka Dable Xoogga , Maxamed Cadaan Cigalle uu isna lahaa ammarka iyo Qoriga wax lagu dilay, xilli uu Wadaha Gaariguna oggolaaday in uu bixiyo Lacagta sharci darrada ah ee ay weydiisteen Dableydu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koobaad ee Ciidanka qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda ay quseyso in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, laguna xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta , Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed, halka  Dable Xoogga ,Maxamed Caddaan Cigale lagu xukumay Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay  ku dalban karaan rafcaan haddii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda Darejada Koowaad.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Daljirka Dahsoon

Wararkii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho

February 25, 2021
Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

February 19, 2021
Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

Dibadbaxyo ay hogaaminayeen qaar kamid ah midowga musharaxiinta oo rasaas nool nool lagu kala eryay

February 19, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In