Ururka ONLF ayaa soo farageliyay xaaladda siyaasadeed ee ka dhex tafatay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federalka Itoobiya.
War saxaafadeed ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay iney xaq u leeyihiin shacabka soomaalida ee ku nool dowlad deegaanka iney ka tashadaan arrimahooda siyaasadda iyadoo la eegayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka Itoobiya.
“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi”
Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya (ONLF) ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo si caddaalad ah iyadoo lala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso, si deg deg ahna xal looga gaaro.