Shir lagaga hadlayay tayada biyaha Soomaaliya ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wasaaradda biyaha iyo tamarta dowladda Galmudug oo shirka soo qabanqaabisay ayaa waxaa kala qeyb galay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Wasiirka wasaaraddaasi Axmed Shire Falagle oo caawa la hadlay barnaamijka xulka wareysiyada ee idaacadda Bandhigga ayaa sheegay in baahida shirkani loo qabtay ay ugu weyn tahay ka hortagga biyo la’aan ama abaaro ku soo food leh dalka.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya