Idaacada Bandhiga ee magaalada Muqdisho ayaa la xiriirtay dad barakcayaal ah oo ku nool deegaanka Garisbaaley ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Dadka ayaa intooda badan ka soo barakay deegaano katirsan gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana tiradooda kor u dhaafeysa ilaa 400 oo qof.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo sheegay in caruur yar yar u geeriyoodeen Gaajo iyo Haraad.
Dadkan ayaa dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada dalka ka codsaday in caawinaad lala soo gaaro, maadama ay ku jiraan xaald nololeed oo aad u daran.
Halkan Hoose ka dhageyso qaar kamid Barakacayaasha oo aan la hadalnay