Hadal uu madaxweynaha Uganda ka jeediyay shir ay leeyihiin hay’addaha Garsoorka dalkiisa, ayaa waxa uu ka sheegay hadal xanaf leh oo wax u dhimaya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Yoweri Museveni ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad maamusha.
Madaxweynaha ayaa u sheegay golaha Garsoorka dalkiisa in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusho, isaga oo sheegay in tusaale ugu dhaw loo soo qaadan karo uu yahay dalka Soomaliya, sidoo kalana jiraan dalal kale oo la mid ah Soomaaliya laakiin arrimo diblomaasiyada la xiriirta uu u qarinayo in uu carabka ku dhufto.
‘’Dowlad waxaa loola jeedaa hay’ad maamusha dhulka, sidaa daraadeed waxa jira dalal badan oo aan laheyn hay’addo maamula, waxaana tusaale idinku soo qaadan karaa Soomaaliya ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda.
Dib u milicso Taariikhda
1973 Dagaalkii Uganda iyo Tanzania, Waxaa kala dhexgalay ciidankii xoogga Dalka Somalia,1980yadii markuu Musaveni qabqable dagaal ahaa waxaana Soomaaliya ay ka badbaadisay iney dagaal galaan.
Waxaana Soomaaliya xiligaas ay aheyd dowlad awood leh oo saameyn xoogan ku leh dalalka qaarada Africa.
Madaxweynihii dalka Maxamed Siyaad Barre allaha u naxariistee ayaa wadahadlo nabadeed ka dhex bilaabay Tanzania iyo Soomaaliya, taa oo horseeday in labada dal ay heshiiyaan.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira hadalka uu jeediyay dalka Uganda.