Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ee Soomaaliya Caawiya iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan kuwada qaatay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Maaliyadda Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle sheegay in uu kala hadlay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo laga wada shaqeeyo isbadallo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxan Muqdisho ku kulanay wakiilada Wadamada Deeq bixiyayaasha ah, Waxan si hufan uga wada hadalnay guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaheena, Waxan si adag uga shaqeynaynaa gaadhsiinta Dalkeena isbadallo wax tar u leh Dalka & Dadka, Waan bogadinayaa tageerada ay nala garan taaganyihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle
Deeq bixiyaasha ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada arrimaha bini’aadanimada iyo kaalmeynta dowladda Soomaaliya.