Danjire Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo u warramay idaacadda Bandhiga ayaa ka faallooday ka diblumaasiyad ahaan hadalkii madaxweynaha Uganda ee ahaa “Soomaaliya kama jirto dowlad maamusha”.
Waxaa uu tilmaamay diblumaasi Caalim in arrintaan loo baahan yahay in dhinaca wanaagsan laga eego, oo uu ku sifeeyay in baraarujin uu uga dan lahaan karo madaxweyne Muzevani.
“Hadalkaan ma saameyn karaa xiriirka labada dowladood” ayuu yiri Caalim
Wuxuu sheegay in hadalkaasi uusan waxyeello u geysan karin xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya