Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Bandhiga ayaa ka hadlay xaalado kale duwan oo ku xeeran arrimaha siyaasadda ee dalka.
Mudane Cosoble, oo ugu horreeyn aan wax ka weydiinnay kulamadii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida Madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.
Wuxuu hoosta ka xariiqay madaxweyne hore Cosoble in in ay sahlan tahay xallinta khilaafyada ka dhaxeeya wali qaar kamid ah maamullada dalka ka dhisan iyo xukuumadda Soomaaliya.
Dhanka kale, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa tilmaamay in doorashada soo socota ay lagama maarmaan tahay in ay noqoto mid ka hufan musuqmaasuq.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday arrinta dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu xusay in ay ka jirto gaabis dhanka shaqada dowladnimo.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhan:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya