Xilli Dood adag ay ka dhalatay hadalkii madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni uu ku yiri Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya xildhibaanno ka jawaabaya hadalka madaxweynaha Uganda.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku bogaadisay doorka dowladda Uganda ee ah garab istaagga ciidamada Soomaaliyeed.
‘Waxaa nasiib darro ah in mar kale lagu degdego tallaabo laga qaado hay’addaha ama dowladdaha u helleen Taakuladda iyo ilaalinta Nabad-galydeena, Uganda waxey inoo daadisay dhiig badan ilaa iyo hadda wey na bar bartaagan tahay, ma’aha in canaanteeda Colaad loo badallo ayeey tiri Xildhibaan Fowsiyo.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Caawad oo jawaab ka bixiyay hadalkii madaxweynaha dalka Uganda ee ahaa in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad wax maamusha xili uu wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga we BBC ayuu sheegay in lagu tilmaami karo Museveni shaqsi iska hadlay sida uu hadalka u dhigay Wasiirka.
Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa wax laga xumaada ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha Uganda.
Waxaana uu yiri: “Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN sidaas daraadeed waxaan kugula talinaynaa Mudane Madaxweyne in dalkaan iyo dadkaan loo turo”
Sidan oo kale xildhibaano dhowr ah ayaa ka falceliyay hadalkii Madaxweynaha Uganda.