Inta la xaqiijiyay 130 Tahriibayaal African ah ayaa lagu la’yahay xeebaha u dhaw dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee Muhaajiriinta (IOM)
Sababta loo la’yahay muhaajirinta ayaa lagu sheegay in la buux dhaafiyay doon yar oo ay saarnaayeen, waxaana lagu la’yahay xeebo u dhaw gobalka Obaq ee dalka January.
Tahriibayaasha ayaa Ku sii jeeday dalka Yeman si ay uga gudbaan dalalka carbeed sida uu sheegay afayeen u hadlay IOM.
Ciiddanka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe.
Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii u ula socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay, waxaana kamid ah tahriibayaal Soomaaliyeed.