Waxaa baaritaan lagu bilaabay hogaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela , Juan Guaido sida ay sheegtay xeer ilaalinta dalka Venezuela waxaana mas’uulkan uu horay u sheegay inuu yahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah.
Juan Guaido ayaa sidoo kale laga gudbiyay codsi ah in la xayiro dhamaan ilaha dhaqaale inta uu baaritaan ku socda, sida ay sheegtay maxkamadda saree e dalkaasi, waxaana lagu amray inuusan dalka ka bixi Karin.
Waxaa Tilaabooyinkan ay imaanayaan xili maanta oo Arbaca ah lagu wado in markale ay mucaaridka dalkaasi dhigaan banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo xukuumada Nicolas Maduro.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido iyo mucaaridka Venezuela ayaa taageero ka heysta Dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaa oo sheegay inay u aqoonsan yihiin dowlada rasmiga ah, halka dalalka kale ee caalamka ay taageersan yihiin Madaxweynaha la doortay ee xilka haya, Nicolas Maduro.
Dalalka Maraykanka iyo UK ayaa xayiray in dowlada Maduro ay la baxdo dhaqaalihii iyo Kaydkii Dahabka ee Venezuela u yaalay bangiyada waaweyn ee wadamadaasi.
Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in Maraykanka hadii uu faro gelin militari kusoo sameeyo dalkiisa ay Maraykanka la kulmi doonaan dagaal ka xun kii ka dhacay dalka Vietnam.