Hogaanka Ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya oo magacooda loo soo gaabiyo AMISOM waxaa lagu wareejiyay markii ugu horeysay General u dhashay dalka Itoobiya.
Generalkan oo sanado badan katirsanaa ciidamada Itoobiya waxaa lagu magacabaa LT. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn waxa uuna xilka kala wareegay Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo u dhashay dalka Uganda sidoo kalena ahaa hogaanka AMISOM tan iyo bishii Janaayo 2018.
Itoobiya ayaa sanadii 2014-kii kamid noqotay ciidamada AMSIOM iyadoo fiirsaneysa dano gaar ah oo ay ka leedahay Soomaaliya sid ay qabaan dibloomaasiyiin Caalami ah iyo kuwa Soomaaliyeed, balse Itoobiya ay ku marmarsiyooneyso la dagaalanka Al shabaab.
Maxaa lagu xasuustaa Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ka howlgalay?
Sanadii 2007-dii oo Soomaaliya ay ka talineysay dowladii ku meel gaarka aheyd ee Cabdullahi Yuusuf Axmad Allaha u naxariistee waxaa Soomaaliya yimid kumanaan katirsan ciidamaa Militeriga Itoobiya si ay ula dagaalamaan ururkii midowga Maxaakiimta Islaamka.
Ciidanka Itoobiya oo xiligaa soo galay Soomaaliya waxey si bareer ah u xasuuqeen shacab Soomaaliyeed oo waxbo galabsan, waxaana lagu xasuustaa madaafiicda u dhacda sida daran dooriga oo ay ku garaaci jireen magaalooyinka iyo deegaanada Soomaalida gaar ahaan magaalada Muqdisho oo si ba’an ay u xasuuqeen shacab ku noolaa.
Waxyaabaha kale ee ciidamada Itoobiya lagu xasuusto waxaa kamid ah 13,-kii December 2018 oo ciidan Itoobiyaan ah magaalada Baydhabo ka soo qabteen Mukhtaar Roobow oo ahaa hogaamiyihii labaad ee Al sahbaab balse kabaxay xiligaasna isku diyaariniyay inuu u tartamo xilka madaxtinoimo ee maaamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, taa oo caro badan ku abuurtay shacabka dagan deegaanada maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
La dagaalanka Al shabaab iyo dowladda Itoobiya:
Dagaalka Ciidamada Itoobiya iyo Al shabaab waa midka ugu badan ee ka dhaca gayiga Soomaaliya islamarkaana sababa khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Dhawaan dagaal ku dhexmaray Al shabaab iyo ciidamada Itoobiya deegaano katirsan gobalka Baay waxey labada dhinacba sheegteen iney iska dileen dagaalyahano kabadan ilaa 50 qof, balse lama oga tirade saxda ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa hadda ka howlgala soohdimaha Itoobiya iyo Soomaaliya wadaagaan waxeyna sidoo kale joogaan deegaano dhaca gobalka Baay.
Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale Al shabaab iyo midowgii maxaakiimta islaamka ka saaray dhul badan oo magaalada Muqdisho kamid tahay.
Maxey Soomaalida ugu dhigantahay in Itoobiyaan loo dhibaao hogaanka AMISOM?
Dadka Soomaaliyeed meel walba oo dunida ka joogaan waxey ogyiyiin cadaawada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo tixraac u soo qaadanaya dagaalkii 1977-kii xiligaa oo ciidamadii xoogga dalka guula waa weyn ka gaareen dagaal ay la galen militiriga Itoobiya.
Sidoo kale waxaa ciidamada Itoobiya lagu xasuustaa xasuuqii 2007-dii ka geesteen Soomaaliya oo hay’ado caalami ah ka doodeen, marnaba ma jecla Soomaalida ciidan Itoobiyaan ah oo dalkooda ku sugan iskaba daa iney howlgal ka qeyb qaataan.
Lama oga in Generalkan Itoobiyaanka ah horay u wadi doono ciidamada howlgalka AMISOM iyo in kale maadama uu aad u daba dheeraaday dagaalka Al shabaab ee Soomaaliya kuwaa oo hadda weeraro iyo dilal ka geesta magaalada ,madaxda dalka ee Muqdisho iyo gobolada dalka marka laga rebo maamulka Somaliland.
Bandhiga Media 2019
Xuquuqda qoraalkan wey dhoorsan-tahay.