Dadka gobollada Puntland ku nool ayaa ka dhursugaya xukuumadda cusub ee madaxweynaha talada qabsaday dowlad goboleedkaasi DR Saciid Deni inuu soo magacaabo.
Madaxweyne Deni oo heysta muddada shanta sano ee soo socota ayaa ku mashquulsan soo xulashada golihiisa wasiirrada.
Dadyoow badan ayaa isweydiinaya xukuumadda madaxweynuhu soo wado, waxaana badi la isweydiinayaa xukuumad ceynkee ah ayaa Puntland la gudboon in xilligaan mudane Deni uu u soo magacaabo.
Aqoonyahan Cabdicasiis Faarax Xaaji Saciid oo kamid ah aqoonyahannada ku nool degaannada Puntland ayaa Idaacadda Bandhiga uga warramay su’aashaas iyo kuwa kale.
Wuxuu sheegayaa aqoonyahanka in madaxweynaha Puntland DR Saciid Cabdullaahi Deni ay ka filayaan shacabka in uu soo dhiso gole xukuumad oo tayo leh sida uu isagaba sheegay.
Aqoonyahanka ayaa qaba in dib u dhac badan uu Puntland ka jiray oo xagga dowlad wanaagga ah islamarkaana madaxweyne Deni laga filayo inuu hagaajiyo.
Halkan hoose ka dhagayso:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya