Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa ku siidaysay shuruud ah in uunan ka bixi karin dalka oggollaansho la’aan hogaamiyihii hore Ivory Coast, Laurent Gbagbo, iyo inuu kusoo laabto maxkamadda marka loo baahdo.
Garsoore u dhashay dalka Chile oo akhriyay go’aanka uu qaadatay Gudiga Maxkamadda Rafcaanka, oo ka kooban 5 xubnood ayaa amar ku bixiyay in lasii daayay Gbagbo iyo eedeysanaha kale oo lagu magacaabo Charles Blé Goudé .
Gbagbo oo ka talin jira dalka Ivory Coast sanadihii 2000 illaa 2001-kii, ayaa lagu xukumay 7 sanadood oo xabsi ah oo ku qaatay maxkamadda Hague.