Wasiirka Batroolka dowladda Somaliya ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmaraayo ee ku aadan Shirka Bishan 7-deeda ka dhacaya Magaalada London ee Shidaalka Soomaaliya looga hadlaayo in oo dadka qaar ay sheegeen in Shirkaasi lagu xaraashaayo Shidaalka dalka.
C/rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay in Shirka London lagu qabanaayo in lagu soo bandhigaayo kaliya sahmin Shidaal oo sanadkii 2013-kii & 2015-kii laga sameeyay Somaliya.
Wasiirka ayaa yiri “Shirkan wuxuu daba socday Shir aan anaga ka qaybgalnay oo Capetown lagu qabtay oo ay isugu yimaadaan wadamada Afrikaanka ee Shidaalka leh & Shirkadaha soo saara Shidaalka, Shirkaasi markii aan tagnay November 2018-kii waxaan la fariisanay Shirkadihii caalamiga ahaa, waxaa noo soo baxday maadaama anaga Baaritaano dhawr ah lama sameeyay Sahanka badda Somaliya in aan soo bandhigno macluumaadkii laga haayay sahankii la sameeyay 2013-kii & 2015-kii.
Baarista Sahanka Shidaalka Somaliya ayuu sheegay in laga sameeyay Kismaayo illaa Hobyo dhanka Badda, laguna soo bandhigaayo Shirkaasi baaristii la sameeyay.
“Sida aan horay u sheegay Shirkaan aniga ayaa ka iclaamiyay Capetown, waana kaliya soo bandhigada sahanka laba jeer laga sameeyay badda Somaliya, laga soo bilaabo Kismaayo illaa Hobyo inta dhimana waa la soo bandhigayaa, mana jirto wax la xaraashaayo oo Shidaal Somali ah.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya.