Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay ganacsatada dalka oo ay ka wada hadleen muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.
Mudane Kheyre Wuxuu yiri ”Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”
Ganacsatada dalka aaya dhankooda la wadaagay Ra’isul Wasaare Kheyre caqabadaha heesta iyo canshuuraha ay dowladda ka qaado oo dhowr jeer ay cabasho ka muujiyeen


