Digniin ka soo baxday Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa loogu digay saraakiisha ciidamada dowladda ee hubka sharci daradda ah ku heysta guryahooda, sidda uu warbaahinta u sheegay xeerilaaliyaha maxkamadda ciidamada Gaashaale Sare Cabdullaahi Buule Kamey.
Cabdullaahi Buule ayaa intaa ku daray in tilaabo laga qaadi doono cidii lagu helo, iyadda oo sifo sharci daro ah hub culus ugu dhex heysata magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in si sharci darro ah lagu iibiyo hubka ciidamada dowladda, waxaana ku qoran astaanta qaranka.
Xeerilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay in hubka dhibaato ku hayo bulshada Soomaaliyeed oo lagu geysto tacadiyo kala duwan iyo handadaad, waxaana uu amray in si deg deg ah loo diwaangaliyo hubka iyo Gaadiidka ay leeyihiin ciidamada.
Magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay dood dhexmartay saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo saraakiisha ugu sareysa maxkamada ciidamada , waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen arrimo la xiriira sida looga gudbi karo caqabada mar marka qaar ka dhax jira wada shaqeynta labada dhinac.