Xaflad daahfur ah ayaa dhakhaatiir ajanabi ah loogu sameeyay Cisbitaalka guud ee Hargeysa kuwaa oo hawlgal caafimaad ka bilaabi doonna miyiga fog ee Somaliland, kuwaas oo sita qalabkii lagu fulin lahaa qaliinadda oo gaadiid waaweyn ku rikiban.
Hay’addan mashruucan qaliinka ka fulinaya dhulka miyiga ah ayaa lagu magacaabaa Mission to Heal, waxaanay gargaar caafimaad ka soo sameeyey dalal badan oo Afrika ka mid ah, waxaanay markii ugu horeysay ka samaynayaan qaliimo goobaha miyiga ah ee aanay ka jirin cisbitaalo.
“waxay noqotay Somaliland meeshii ugu horeysay ee diyaar u noqota ee soo dhoweysa oo min lawyo cado ila Hargeysa soo soo dhoweeyey”ayey tiri Dr;Edna Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Naasir Cumar Jaamac oo isna mashruucan ka hadlayey waxa uu yirii “ waxaanu cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku daah fureyna hawlgal caafimaad oo aad u balaadhan oo ay waddo hay’adda Mission to Heal oo dadka buga loogu gargaarayo, waxaana inala jooga aasaasihii hay’adaasi, waxaanay hay’adani doonaysaa in in dadka xanuunsanaya ee gaadhi kari waayey goobihii caafimaadka inay adeegii caafimaad oo soconaya ay gurigiisa ugu geeyaan bukaanka”.
Shacabka iyo xukuumaddii soo dhoweeyey hawlgalkan caafimaad ee dadka ugu gargaarayaa masuul u hadlay hay’ada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogi taanka iyo inay shaqo ka bilaabaan Somaliland.