Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dood ka dhalatay miisaaniyadda maamulkaasi.
Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maalmihii dambe kulamo ku lahaa magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka kuwaasoo ay kaga arrinsanayeen sida laga yeelayo miisaaniyadda.
Muranka miisaaniyadda ee ka taagan Jowhar waxaa kamid ah sida xildhibaanku uu u sheegay idaacadda Bandhiga in weli baarlamaanku uusan helin xuquuqdii ay heli lahaayeen.
Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay suurtagal tahay in baarlamaanka uu u yeero madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa si wax looga weydiiyo arrinta mushaaraadka iyo xuquuqda kale ee ka maqan.
HOOS KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya.