Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan.
Kulanka maanta ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadkaan 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.
Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno.