• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, March 9, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Ciyaaraha

Akhriso: Sababta ciyaaryahan Nicolo Barella u diiday kooxda Chelsea?

February 7, 2019
in Ciyaaraha
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Nicolo Barella ayaa iska diiday inuu ku biiro kooxda Chelsea oo suuqii Janaayo iyadoo ku soo qaadan lahayd adduun dhan 57 milyan oo dollar.

Warsidaha Tuttomercatoweb ayaa warinaya in laacibkan khadka dhexe ee kooxda Cagliari, Nicolo Barella uu hoos u dhigay dalab dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta 44 milyan oo gini ama 57 milyan oo dollar oo ay kooxda Chelsea ka soo gudbisay bishii la soo dhaafay.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Nicolo Barella uu u diiday ku soo biirista kooxda Blues hal sabab oo ah arrimo qoyskiisa la xiriira.

21-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu u soo dhaqaaqo Galbeedka Magaalada London bishii Janaayo ee la soo dhaafay si uu bedel ugu noqdo booska uu ka baxay laacibkii khadka dhexe ee Cesc Fabregas oo ku biiray Monaco.

Cagliari ayaa aqbashay dalabka Blues waxaana ay raacdo u gashay sidii ay kooxda Boca Juniors uga soo qaadan lahayd Nahitan Nandez oo ay u aragtay bedelka Barella, laakiin laacibkan khadka dhexe iyo qoyskiisa ayaa door-bidaya inay sii joogaan dalka Talyaaniga.

Barella ayaa la filayaa inuu u dhaqaaqo midkood kooxaha Napoli iyo Inter Milan oo aad u xiisaynaya, maadaama isaga qoyskiisu ay doonayaan inay sii joogaan dalka Talyaaniga.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Muxuu isku casiley Wasiirka Arimaha Dibbed Soomaliland?

March 7, 2021
Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

March 6, 2021
Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

March 6, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In