Guddoomiye xigeenka guddiga dabagalka iyo ilaalinta hantida ee gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland Xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac Xaamud ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Bandhiga ee magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay lacag dhan 80 Malyan oo dollar oo la sheegay in xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo ay ku soo wareejisay xukuumadda haatan talada heysa ee Muuse Biixi.
Xildhibaan Xaamud ayaa meesha ka saaray jiritaanka lacagta intaas dhan islamarkaana wuxuu sheegay in miisaaniyadda dowladdaba ay ka badan tahay intaas.
“Lacagtaas waxay ahayd qalad yaroo dhacay lacag sidaa u weynna ma ahan, qiimeyn markaad sameysana xisaabtan xisaab imaan karta maaha, marka waa wax la sixi karo oo dhib weyn maaha, cid dacwo isku qabtana malahan” ayuu yiri xildhibaan Xaamud.
Hadalka ka soo yeeray guddoomiye xigeenka guddiga ilaalinta hantida qaranka ee baarlamaanka Somaliland Cabdulqaadir Jaamac Xaamud xilli shalay magaalada Hargaysa uu wasiirka maaliyadda Somaliland DR Sacad Cali Shire uu ka sheegay in lacagta 80-ka Malyan oo dollar aynaan ahayn mid sax ah.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya