War qoraal ah oo ka soo baxay wasaraadda Arrimaha Dibadda Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa loogu yeeray dhamaan Diblomaasiyiinta qunsiliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.
Sidoo kale Amarka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dibloomaasiyiinta iyo u qayb-sanayaasha qunsiliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Jiddah waxaa loogu qabtay in muddo 30 maalmood ah ku soo galaan dalka.
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmad Ciise Cawad ayaa sidan oo kale sanadkii hore 2018 u yeeray mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sudan kuwaa oo shacabka Soomaaliyeed ee dalkaasi ka cowdeen.
Akhriso: Qoraalka wasaaradda Arrimaha Dibadda
