Magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in halkaasi lagu soo bandhigo Baasaboor ka dhaxeeya dhammaan wadamada dhaca qaaraddani Afrika.
Guddi uu ururka Midowga Afrika u xil saaray sameynta Baasaboorkani ayaa ku soo bandhigaya shirka madaxda ururkaasi qaabka uu noqonayo Baasaboorka qaaraddu yeelanayso.
Dadka ka faalloodaa siyaasadda iyo culuumta bulshada ayaa odrosaya in Baasaboorka uu waddo cusub u jeexayo guud ahaan nolosha umadaha ku kala nool dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.
Waxay kaloo sheegayaan in ay suurtagal noqon karto in isbedal laga dareemo xiriirka iyo isu socodka dadka ku nool qaaradda.
Baasboorkani ayaa madaxda midowga Afrika haddii ay isku waafaqaan wuxuu meesha ka saarayaa dhammaan Baasaboorrada ay iminka isticmaalaan dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.
Waxaa dadka ku nool qaaradda oo ay ku yaallaan 55 dal u sahlanaanaysa in dal ku gal(VISE) ay u baahdaan marka ay dal ka safrayaan una safrayaan dal kale.
Dadka ku xeel dheer arrimaha Jinsiyadaha ayaa ku doodaya in arrintani hirgalinteeda ay qaadan karto sanado dhowr ah si uu si rasmi ah ugu shaqeeyo Baasaboorkani.
Waxaa sidoo kale taas iyana barbar socota walaac laga muujinayo haddii Baasaboorkani uu soo baxo in dadka ku nool wadamada dhaqaalahooda uu hooseeyo ay u safraan dalalka qaniga ah ee isla qaaradda Afrika, saboolnimo awgeed.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya