Howlgalka ciidamada maamulka degaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigeen lacag iyo dhallinyaro la socotay.
Lacagtani ayay ciidanku ka qabteen xuduudka DDSI iyo Somaliland gaar ahaan magaalada Wajaale.
Saraakiisha maamulka Jigjiga oo faahfaahin ka bixinayay howlgalka lacagta lagu soo qabtay ayaa waxaa ay sheegeen in wada shaqeyn ka timid shacabka iyo boolisku ay suurtagashay arrintaas.
Waxay sheegeen saraakiishu in lacagahani qalaad ay yihiin kuwa dalka Itoobiya si sharci darro ah lagu soo galinayay.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Bandhiga:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya