Laamaha nabadgalyada Puntland ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu ciribtirayo tahriibka, kaasoo lagu la dagaallamayo dhallinyarada tahriibaysa iyo kuwa ka shaqeeystaba.
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo badi ay ka baxaan dadka Tahriibka ah oo xataa ay ku jiraan dad u dhashay dalka Itoobiya ayaa amar lagu bixiyay in dadkaasi ciidanku ay qabtaan.
Taliyaha booliska Puntland GEN. Muxiyadiin Axmed Aw Muuse oo arrintaan ka hadlayay ayaa sheegay in Kontaroolkii ay ka soo gudbaan la xirxirayo saraakiisha iyo askarta joogta.
Tallaabadani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhowaan xeebaha dalka Jabuuti ay ku qallibmeen laba doon oo siday dad tahriibayaal ah oo Soomaali u badan tahay.
HOOS KA DHAGEYSO:
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya