Dabkani oo khasaare badan dhaliyay ayaa ka kacay xaafad ay ka daganaayeen qoysas dan yar ah oo ku taalla degmada Hodan gaar ahaan Jaamacadaha, ee magaaladani Muqdisho.
Waxaa lagu soo warramayaa in dabku uu liqay inta badan agabkii yaallay guryaha qaar islamarkaana qoysaskani oo markii hore ahaa danyar ay u baahan yihiin gurmad caawinaad oo degdeg ah.
Sida Idaacadda Bandhiga ay u xaqiijiyeen dad degaanka ah dabka ayaa ka dhashay koronto, waxaana basbeelay guryo dhowr ah.
Dadkaan oo barakacayaal ah ayaa codsanaya in gargaar beni’aadanimo oo degdeg ah ay helaan.
Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waayadii dambe waxaa ku soo badanayay dabka oo khasaare isugu jira mid hantiyadeed iyo mid nafeedba sababayay, waxaana mararka qaar uu ka kacaa meelaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya