WDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Waxaa ay sheegtay dowladda in ay hortaagan tahay arrintaan taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika.
Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.
“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa laba maalin ka hor magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay shirka 32-aad ee madaxda Midowga Afrika oo ay ka qeyb galeen madax ka kala socotay 55 dal oo qaaraddani Afrika ku yaalla.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya