Wasiirkii wasaaradda Bii’ada iyo duurjoogta ee maamulka Koonfur Galbeed Cali Macallin Aadan Cumar, ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u magacaabay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed(Lafta Gareen).
Kaddib kulan uu la qaatay odayaasha, waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka beeshiisa ayuu ku dhawaaqay iscasilaaddiisa mudanaha.
Waxaa uu sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in xilka loo magacaabay ee wasaaradda Bii’ada iyo Duurjoogta Koonfur Galbeed aynaan u qalmin ka beel ahaan.
Wasiirkii hore wuxuu intaa ku daray in xilka wasaaraddaasi uu iska casilay islamarkaana ay u celiyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Waa wasiirkii labaad oo iska casila wasiirro uu shalay galab magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya