Madaxtooyada dalka Uganda ayaa qoraal kooban oo ay ku faafisay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho rasmi ah ku imaanayo Magaalada Muqdisho.
Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay uga wada qeyb galeen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah oo uu imaanayo maadxweynaha haseyeeshee waxaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu yimaado magaaaladani Muqdisho, si uu u arko horumarka dalku ku tallaabsaday sanadihii dambe.
Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in markii Madaxweyne Farmaajo lagu la taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaasoo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo.
Waxaa sidoo kale qoraalka dowladda Uganda lagu sheegay in muddo ku siman laba sano gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada.
Ciidamada difaaca Uganda ee UPDF waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu talada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sanad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa.
Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya