• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Friday, March 5, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Yaa Faa’iido Ku Qaba Xiriirka Dowladaha Somalia iyo Kenya?

February 16, 2019
in Wararka
0
496
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa billoow ah khilaaf curdan oo soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, sidaas oo ay tahay haddana waxaa soo ifbaxaya weydiiyo ku geedaaman waxa ka dhalan kara xiriirka labada dhinac haddii uu xumaado.

Xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa wanaagsanaa ka hor shirkii shidaalka ee ku soo idlaaday magaalada London.

Marka laga soo tago, xiriirka siyaasadeed, kan diblumaasiyaadeed iyo kan amni ee labada dhinac waxaa jira waxyaabo kale oo aad muhiim u ah sida dhaqaalaha.

Suuqa ugu weyn geeska Afrika wuxuu ku yaallaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxaana leh milkiyaddiisa ganacsato Soomaaliyeed.

Soomaali badan baa deggan dalka Kenya kuwaasoo ay kamid yihiin ganacsato aan la tira koobi karin oo dhaqaale badan dalkaasi kaga shaqeysta.

Waxaa intaasi dheer in Islii iyo meelo kale oo Nairobi ka baxsan ay Soomaalida ku leeyihiin hanti ay kamid yihiin guryo waa weyn.

Kenya waxay dalkani Soomaaliya u soo dhoofisaa maalin kasta “Khaad” kaas oo la sheego in lacag dhan “Laba Malyan” oo dollarka Maraykanka ah ay uga soo xarooto.

Su’aashu waxay noqonaysaa, “Yaa Faa’iido Ku Qaba Xiriirka Labada Dhinac Oo Wanaagsanaada?”

Qaar kamid ah ganacsatada ku nool Kenya oo aan la hadalnay ayaa inoogu xog warramay in wax faa’iido ah oo sidaas u badan aynaan ku heysan halkaa islamarkaana canshuurta laga qaado ay u dheer tahay mararka qaar caqabado ay la kulmaan inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo.

Dad xog ogaal ah oo ku sugan Kenya oo diiday in magacooda aan adeegsanno sababo la xiriira xag amni ayaa tilmaamay in Soomaalida ku nool dalkaasi  marka la eego ay faa’iido dhaqaale oo aan xad lahayn ay ku qabto dowladda Kenya.

Khubarro darsay cilmiga dhaqaalaha ayaa dareensan in dowladda Kenya, ay khasaare ballaaran kala kulmi karto haddii xaaladda ay sidaan ku sii socoto, tusaale in khilaafka aan la daba qaban.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Bankiga Dhexe oo ka hor yimid diidmada lacagta 50$ amarna siiyay Bankiyada dalka

Bankiga Dhexe oo go’aan ka soo saaray diidmada lacagta 50$

March 4, 2021
Ma dhici doonaa shirkii ay maanta ku ballansanaayeen xukuumadda iyo midowga musharaxiinta

Ma dhici doonaa shirkii ay maanta ku ballansanaayeen xukuumadda iyo midowga musharaxiinta

March 4, 2021
Soomaali tahriibayaal ah oo ku dhintay Xeebta Bariga Afrika ee Jabuuti

Soomaali tahriibayaal ah oo ku dhintay Xeebta Bariga Afrika ee Jabuuti

March 4, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In