• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Monday, March 8, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

DFS Oo Ka Jawaabtay Tallaabadii Kenya(Akhriso)

February 17, 2019
in Wararka
0
493
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga jawaabtay tallaabada diblumaasiyadeed oo ay ku dhaqaaqday dowladda dariska ah ee Kenya.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Villa Somalia oo ka kooban 7 qodob ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta midnimada iyo wadajirka iyo wanaajinta dowlad wanaagga wadamada deriska ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya waxay caddeyneysaa:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.

3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks)  ah oo la xaraashay.

4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada  dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.

5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.

6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.

7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Muxuu isku casiley Wasiirka Arimaha Dibbed Soomaliland?

March 7, 2021
Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

March 6, 2021
Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

March 6, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In